Aqoontu waxa ay kaa dhigaysaa qof xadaari ah oo nolasha fahansan. Waxa aynu wada ognahayn maanta heerka ay marayaan wadamada reer galbeedku, horumarkasta oo ay gaadheen waxa ay ku gaadheen waa aqoon.
Wax ma ka badashay aqoontu umadda soomaalida? Odhan kari mayno wax kamay badalin oo maalinba maalinta kasii danbaysa waxbaa la odorasayay, laakiin sidii ugu haboonayd ee la rabay aqoontu waxba ugamay badalin. Ilaa caqabadahaas la dhaafana lagama yaabo inay wax muuqda oo la taaban karaa is badalaan. Isbadal marka la samaysanayo dunida waxa laga maarmaan ah in arimo badan maanka lagu hayo si halka la rabo loo gaadho. Baadhi taano qoto dheer kadib waxa ay aqoon yahanadu isla meel dhigeen dhibaataooyinka jira.
Iyaga oo kadibna mid mid isku dul taagay isla markaana diwaan galiyay oo dhamaan dhibaatooyinka ka hortaagana horumarka hubsaday. Geesta kale dhigooda aqoon yahanada soomaalidu wali may samayn daraasad dhamays tiran oo diwaan gashan Research paper taasi oo ay dhibaatooyinka wadankooda haysta xal ugu heli lahaayeen, tusaale ahaan majiro qoraalo dabacan oo lagu darasadeeyo jamacadaha.
Markasta waxa ay aqoon-yahanada caalamku maaankooda ku hayaan in aanu isbadalku dhakhso ku iman, sidaa darteed waxa ay hadh iyo habeen ku foogan yihiin arimaha cilmi-baadhista ay ku wadaan iyaga oo aan marnaba ka caajisayn. Burburkii ka dib, waxa batay goobihi waxbarashada waxaana hadana hoos udhacay tayadii waxbarashada aqoonyahanada soomaalidu badankooda umay badalin aqoontii camal sababtoo ah waxa saamayn ku leh deegaanka taas oo keentay in aqoonyahandu waxba ka badali kari waayaan wadanka sidaa awadeed aqoonyahanda soomalidu horumar la taaban karo kumayn samayn tayada aqoonta, iskadaa inay ku soo kordhiyaan horumare waxa ay ku tagri falaan masaakiinta tusaale waxa dhacda aqoonyahanada kuwooda loo yaqaan dhakhaatiirta inta ay furteen dhakhtaro, haddana aanay gargaarsiin bulshadooda ilaa lacag ay dhigana lagama yaabo in wax loo qabto.
Arinta kale ee layaabka leh waxa ay tahay in Digtoorka marka uu u imaado qof bukaana ah ee xanuun ka cabanaya, in aanu markaaba la kulmayn dhakhtarkii, waa in uu jartaa kaadh 5 dollor ah oo lagula kulmayo dhakhtarka. Tolow ummadda sidaa loola dhaqmayaa maanay ahayn ummad soomaaliya? Ma lacag ayaa laga door biday dadnimadii? Siyaasiinta soomalidu ma yaqaanan hogaaminta leadership skills taa macnaheedu ma hantaan quluubta shacbigooda.
Hogaamiye waxa loo yaqaana qofka bulshadiisa qanciya, xitaa haddii uu qaldan yahay. Sidoo kale siyaasiinta soomaalidu malaha saadalin predication. Siyaasiga aqoon yahanka ahna waxa uu leeyahay saadalin arimaha ku soo fool leh si uu uga sii arin sado inta aanay soo wajihin.
Haddaba guushu waa shay cayiman oo la isla yaqaan, laakiin waxa lugu kala duwan yahay heerka guusha. Qof waxa guul u ah ayaa qof kale u bar bar bilowga guusha. Haddaba guusha waxa sar gooya hanka, hiigsiga iyo humaagyada mustaqbaleed ee uu qofku meel dhigtay.
Inta aad ku jirto hirgalinta iyo xaqiijinta yoolkaaga waxa aad kala kulmaysaa caqabado farabadan, Caqabadahaasna waxaad ka dhaxlaysaa waayo aragnimo, laakiin yeelo samir iyo dhabar adayg aad kaga adkaan karto dhibaatooyinka kusoo foodsaarya kaana hor istaagaya inaad sii wado hirgalinta hammigaaga. Waxa muhima inaad Alle Rabi subxanahuu watacaale talo saarato ooaad ayid sanaato.
Waxa haboon inaad aragti iyo fikir ka haysato waxa aad rabo inaad ku guulaysato iyo wadada loo maro. Samee ficil aad ku hirgalinayso qorshayaashada adiga oo mudnaanta siinaya sida ay u kala haboon yihiin in loo soo kala hor mariyo.
Samee jadwal ay ku qoran yihiin hadafyada aad hiigsanayso adiga oo u kala horaysiinaya sida ay u kala mudan yihiin. Kalsoonida naftu waxa ay ku dhaxal siisa waayo aragnimo, hawl karnimo iyo cusboonaysiinta wax qabadyada ay awoodo naftaadu. Qorshahaaga oo xumaada waa libinta oo aad hanan kari waydo, qorshahaaga oo hagaagana waa adiga uu hantiyay libta guusha.
Qoddabaada aan kor ku soo xusnay waa kuwa ugu laxaadka weyn ee kaa hor istaagi Kara ama caqabad kugu noqon kara ee kuu diidi kara inaadnoloshaada horumar gaadhsiiso. Haddaba waxa jira dad inta badan guul daraysta taasi oo ay ugu wacantay hilinkaay u marayaan guusha. Doonista iyo rabitaanku waa heerka ugu saraysa ee aad ku hanan karto guul, haddii aanad u hiloobayn, haddii aanad u hamuun qabin, haddii aanay qalbigaaga gubayn, haddii aanay hal mar oo qudha niyadaadu xasilooni dareermayn, taasi oo ay ugu wacan tahay rabitaanka ah inaad libinta gaadho, ogow doonistaadu ma aha heerkii ugu saraysay ee loo baahnaa.
Waxaana haboon inaad hilin kale u marto xaqiijinta yoolkaaga. Sida ina farayaan tixahan soo socotaa:- Haddii aad himiladaadii Hanan wayday dhowr jeer Habadalin hankaage Badal hilinka loo maro.
Waa hawraar wax ku oola kuna dhiiri galinaysa. Hadda hamiyada uu aadamuhu ku fikirko waxa ugu mug weyn inuu guulaysto if iyo aakhiraba. Waligaa ma aragtay cid leh waxaan rabaa inaan guul daraysto? Taasi iskaba dhaafe, dadka qaar waxa ay in badan baadi goobaan wadada ay mareen kuwa guul daraystay si ay iskaga ogadaan oo ay ugu baydhaan jidka ay qaaddeen kuwaasi.
Dadka badannkoodu waa ay la kulmaan guul daro, iyaga oo u kala baxa laba: Kuwo marka ay guulaysan waayaan is dhiiba, nolashana ka dhaca, han iyo hiigsi danbana aan yeelan madama ay ku guul darysteen darajadii koobad ee hirgalinta hamigooda iyo qaar marka ay guul daraystaan wax ka barta oo ogaada khaladdaadka ay sameeyaan si ay usaxaan.
Kuwaasina waa kuwa hanntiya libinta guusha mar ay ahaataba. Guushu waxa ay u baahan tahay samir, dadaal, dulqaad iyo karti dheeeriya. Haddaba waxa kasta oo fiican waxa ku hareeraysan dhib iyo rafaad. Sidaa si lamida haddaba guushana waxa ku hareeraysan dhib iyo cawaaqib fara badan, taasi oo ah waxa looga baahan yahay qofku marka uu rabo inuu hamigiisa xaqiijiyo in uu la imaado dhabar-adayg si uu ugaadho hadafkiisa.
Markastana ku daddaal xidhiidhka aad Alle SWT la leedahay. War celinta waydiintaasi waa ahaa. Haddaba si aan isbadal u sameeyo maxa ii sahli kara isbadalkaas? Waa inaad naftaada ku qanicisaa inay u qalanto isbadalka ay rabto. Waxa qurux badan inaad habayso oo aad qorshayso nolashaadu nooca ay u eekaan doonto markaad samayso isbadalka.
Sida aynu kawada war qabo waxa aynu kawada war haynaa ninka guri dhisaha ah engineer ka ahi inuu qorsheeyo desing gareeyo ka hor inta aanu guriga dhisin sida uu u eekaanayo muuqaal ahaan iyo dhismo ahaanba, og yahayna kharashka ku baxaya bar bilow ilaa bar dhamaad gurigaas.
Haddaba waxa lagaaga baahan yahay inaad qorshayso ka hor intaanad isbadalka samayn sida ay nolashaaadu ahaan doonto isbadalka kadib. Waa inaad u hamuun qabtaa, waa in aad u hilowdaa, waa inaad qalbigaaga holoc ka dhex daarta sidaad mar uun isbadal u samayn lahayd, Isbadalkaasi waa inuu lahaada bar bilow iyo bar dhamaad.
Riyadu waxay taageerta rajada, rajadu waxay dhiiri galisaa dadaalka, dadaalkuna waa natiijada guusha, sidaa darteed riyadu waa xididka guusha. Yeelo saxiib waayo aragnimo badan leh kuguna dhiiri galin kara marka ay caqabado kula soo Darsaan.
Markasta niyadaada daji oo ku bushaarayso naawilaad kheyr qabta iyo inaad mar uun libinta gaadhi doonto. Marna ha ilaawin cibaada Alle iyo talo saarashada rabi. Markasta yeelo han sare. Hawl aad qaban karto dib ha u dhigan, sababta oo ah kaliyaata waxaad leedahay uun hadba wakhtiga aad haysto, waayo kii hore waa uu ku dhaafay, ka soo socdana ma hubtid inaad gaadhi iyo inkale. Wakhti badan u hur guusha aad rabto, sabsabta oo ah inta badan ee aad bixisaa waa inta badan ee dib kuugu soo noqon doonto.
Ileyn guurkuba waa degmo lagu damaashaado, farxad iyo naruurana kuu horseeda, haddii aad hesho qof kula fahma qiimaha nolasha.
Waan iska jecelahay guurka, haddana wali niyada maan galin qofkaan nolasha la wadaagi lahaa, laakiinse mar allaa iyo markaa aan aa arko aroos, maqlana hoonka baabuurta lagu galbinayo arooska ayuun buu qalbigu I dubaaxaiyaa, walee waayaab!!!!!!!!!!!!! Nimcadda iyo naruuradda uu guurka leeyahay qofkii guursadaa garane, waa gabood lagu mahadiyo Alle SW waa raas qabow oo raxmad iyo naxariis kudul hoganayso. Guurku waa heshiish sharci diineed ku fula, guurku waa dhaqan wanaagsan oo aynu kasoo gaadhnay caadana u ahaa nabiyadii iyo anbiyadii Alle soo diray.
Guurku waa sunihii wanaagsanaa ee anbiyada. Waxa muhima marka ay labada qof ee lamaanahaah ee doonaya in ay nolol abuuraan in ay isku doortaan qododoban soo socda, si uu guurkoodu u noqdo mid midho dhala.
Guurka wanaagsani waa ka ku bilowda doorasho wanaagsan oo ku suntan sunuhii rasuulka csw Guurka wanaagsani waa ka laga dhaxlo dhawrsanaan. Guurka wanaagsani waa ka abuura naxriis iyo jaceyl. Guurka wanaagsani waaka deganaan iyo xasilooni ay Ka dhaxlaan lamaanuhu. Guurka wanaagsani waa qanaaco Guurka wanaagsani waa wa soo saara ubad bariya. Guurku waa sune ka mida suniihii Rususha iyo anbiyadii uu Alle usoo diray umudiisa.
ALLE waxa uu yidhi rsw Aayadaha ilaahay waxa ka mid ah in uu idiin abuuray lammaane ka ahaadey lafihiina si aad ugu degtaan waxa aan dhexdiina dhignay kal-gacal iyo naxariis waxaana ugu sugan ayaado qoladii fikiraysa Nabigunu CSW waxa uu xadiis ku yidhi afar waxa ay kamid yihiiin sunadayda xishoodka,cadarka,guurka,iyo cadayga.
Xadiis kalena waxuu ku yidhi ururkii dhalinyaradoow kiina awooda in uu guursado ha guursado, kiina aan awoodina ha soomo. Guurku waa gaashaan lagaga gaashamanayo macaasida iyo xumaanta. Umada soomalidu waxa ay leedahaya dhaqan iyo caado u gaara dhinac walba oo nolasha kamida. Guurku waxa uu ka mid yahay arimaha ugu muggu iyo miisaanka culus umada soomaalida meelkasta ha ku noolatee.
Nolasha quruxdeedu waa guur iyo gabadh wanaagsan oo Alle kula kulmiyo. Ninku inta badan waxa uu ku maqan yahay shaqo, halka ay gabadhuna ku mashquulsan tahay hawlaha guriga. Haddaba si ay lamaanaha nolashoodu u noqoto nolol farxad iyo naruuro leh waa in marka uu ninku soo guto waajibaadka shaqada dibada wakhti fiican laqaata marwadiisa la talan taalinaysa nolasha una sheekeeya isaga oo muujinaya waji farxad ku dheehan tahay si ay farxad ula dareento dhigiisu. Sheekada ay lamaanuhu wada sheekaystaan waxa ay xoojinaysaa kal-gacal iyo farxad.
Xaajigu waa in uu la tashado marwadiisa una sheego marka ay xaalado la soo darsaan, taasi waxa ay sababaysaa kalsooni xad-dhaafa oo ay kuu qaado sawjadaadu. Gabadhu waa in marka uu sayigeedu ka sii baxayo guriga u labistaa una xushaa dharka uu xidhanayo. Marwadu waa in marka uu sayigeedu kasii baxayo guriga, ee uu u anba baxayo shaqadda, kusii tidhaah daa hadalo macaan sida:- macaan waan kuu xiisi doona intaad shaqada igaga maqan tahay.
Gacaliye Allaha garab kaaga ha galo. Qaali ha iga soo daahin, waan kusii suga doonaa insha Allah. Allaha wax dhib kulama kulmiyo sawjkaygii. Mararka qaar waa in ay lamaanuhu isku raacaan suuqa marka ay wax soo iibsanyaan isku dooraan dookha midba midka kale.
Gabadhu waa ay ninkeeda dhiiri galisaa si uu dhiiranaan u helo. Gabadhu waa in aanay ku xujayn sayigeeda wax aanu awoodin. Gabadhu waa waa in ay mar walba isku qurxisaa sayigeeda, si uu ugu indho-doogsado. Intaas haddii aan ku soo dhaafno nolashas lamaanaha fiican. Markaad aad u fiirso qoysaska soomalida waxaad arkaysaa dhibaatooyin farabadan oo ka dhex holcaya. Allaha ha ka damiyee. Waxaan is waydiiyay tolow maxa u sababa burburka qoysaska? Markii aan u kuurgalay indho-indheyn badana ku sameeyay arintaas waxa aan is waydiiyay maxa sababay tolow burburka qoysaskaa, se xal waara ma loo heli karaa?
Heerkee ayay ka taagneyd soomaalidii hore burburka qoyska? Burburka qoysku waa burburka umada, saameyn balaadhan ayuu ku leeyahay burburka qoysku nolasha. Allaha naxariistii jano ha siiye abwaan cabdule raage oo kamid ahaa abwaanada soomaaliyeed kuwooda ka gabyay guurka xumaada ayaa waxa uu lahaa abwaanka: Nin goblamay nin good cunay nimay gooli la abaartay Nin libaax ku gawdiidsadoo wadnihii gooyay Col nimuu ganbiyay, oo gammaankii iyo geelii Laga qaaday Gidigood waxa ka guul daran,ninkii guurkii ka xumaaday.
Waxaan Alle ugu baryaaya dhamaan qoysaska islaamka, gaar ahaan qoysaska umada soomaalida, in uu Alle dhibta dhexdooda taala ka kor qaadano, nolol samo iyo sareedo faxad iyo damaashaad, daganaan iyo xasilooni wadatana dhexdooda dhex dhigo. Maxayse tahay Qabyaaladu? Aadamaha aduunka ku nooli waxa ay ka soo unkameen aadan iyo xaawa, waxa ayna soo mareen maraaxil kala duwan ilaa maantada aan joogno oo ah qof, qoys, qabiil, qoomiyad, qaran iyo qaarad.
Bulshada aasaaskeedu waa qof iyo qofaf isku tagay oo noqday qoys, una sii gudbay qabiil abtirsiimo wadaagna leh. Sida ay maanta wax walbaaba iskaga keen khaldameen haddii aynu nahay umada soomaalida ayaa waxa iskaga keen khaldamay qabiil iyo qabyaalad.
Qabiilku waa qoys iyo qofaf kasoo kala jeeda meel magac-wadaagna ah, waana sune kowniya oo uu Alle ugu talo galay. Qabiilku waa sida uu Alle inoogu cadeeyay sida aynu kor kusoo xusnay oo ah in la isku aqoonsado. Haddii aan si kale u idhaahdo qabyaaladu waa marka magacyada qabiilada loo isticmaalo kala saraynta bulshada, sida in aad aamin santahay In reerka aad ka soo jeeda uu kasareeyo qabiilada kale. Qabyaaladu waa marka aad laba qof ku kala jeclaato qabiilka ay kasoo jeedaan. Qabyaalada waa qofka o qaba figrad ah in awooda dalka, talada iyo waliba dhaqdhaqaaqa dhaqaale ee wadanku leeyahay ay qabiilkoodu gacanta ku hayo sida maanta haysta umada soomaalida.
Taas oo sababtay in cadaw shisheeye dhulkoodii soo hungureeyo isaga oo ogaaday in umada wadanka lahiba ay tahay qabiilo yar- yar oo gooni gooni u kala yaala xidhiidh walaaltinimana ka dhaxeyn ee ay iyaga dhaxdoodu cadaw isku yihiin. Kadib dawladii shisheeye ee reer yurub ayaa dhulkii soomalida kala boobay oo dawladba qayb goosatay.
Qabiiladii soomalidu waxa ay noqdeen qaar uu gooni ula heshiiyo, kaas oo qaar soo dhaweystay, qaarna diley, qaarn hub iskugu dhiibey oo iyaga isku diray. Dawladihii reer yurub ee ingiriiska, faransiiska iyo talyaaniga ayaa qayb saday dhulkii ummada soomaalida, heer waxa ay gaadheen xoolahoodi laga qaado oo cunto looga dhigo ciidamadooda wadama kale jooga. Ingiriska mudadii uu gumeysanayay soomaaliland waxa uu si arxan daro ah ula dhaqmi jirey bulshadii ku dhaqneyd gayigaas, kaas oo xoolahooda udhoofisan jirey ciidamadiisii joogay cadan, qaar kamid ahaana ka dhigey askar u dagalama isaga oo uu siiyo in yar oo nolol maalmeedkooda ah, kheyraadka dalkana sida uu doona ugu tagrifari jirey, sida kheyraadka xeebta dhararsan ee ay lahayd soomaaliland.
Faransiisku mudadii uu gumeysanyey jabuuti waxa uu ku khasbi jirey in ay qaatan dhaqankiisa kuna dhaqmaan, isagoo kheyraadka dalkana sida uu doonu u maamulan jirey.
Aakhirkii dawladihii reer yurub markii ay dhulkii ka dhargeen kheyraadkiisii, dantay ka lahaayeene ka fushadeen, waxa ay gacanta ka galiyeen dhulkii oo ay u qaybiyeen wadamadda ina jaarka ah ee Kenya iyo Ethiopia oo ilaa maanta dhulkeenii bilaash ku haysta.
Wakhtigii xornimada ay qaateen soomaali British iyo soomali italy waa ay heshiiyeen. Laga soo bilaabo milaygii ay xoriyada qaadatay soomaalidu ilaa maanta waxa hadheeyey aafooyin dagaal iyo musuqmaasuq. Diintu Maxay Ka Qabtaa Qabyaalada? Diinteenu waxa ay inoo sheegtay xumaha ay leeyadahay qabyaaladu.
Nabigeenu CSW aadbuu ugu hadlay qabyaalada, aadna waa uu u dhaliilay. Heerka ay marayso ku dhaqanka qabyaladu waa oday ka sheeke. Ana waxa aan leeyahay qabyaaladu waxa ay goosatay xadhkaha markii uu reer walbaaba yeeshay siyaasi iyo xisbi, taas oo dib u soo cusbaynaysiisay nidaamkii qabyaaladda.
Maalin maalmaha kamida ah ayaa waxa dhacdey anigoo ku jira meel meherad ah oo tukaana ayaa waxa noo soo galay nin, ninkaasi waxa uu iibsaneyey biyaha mooya saxada la yidhaahdo, ninkii iib sadaha ahaa iyo mulkiilihii meherada ayaa waxa ay is way daar sadeen hadalan :- Iibsade: waxa aad iga iibisaa midh biyaha mooyada saxada ah. Mulkiile : waayahay ee hoo. Iibsade : oo waaxay adeer nooca aad naga iibinaysaa? Mulkiile : oo kuweed rabtey aduu? Mulkiile: adeer garanba maayo cid soo saarte hoo biyaha, meel xunbay qabyaaladu kaa gaadhe.
Iibsade: adeer biyahayaga ayaan suuq geynayaaye, ha igu socod siin biyaha reerkiina ……………………………………….. Heerka ay qabyaaladu inaga mamaryso waa heer aan odhan karo waa heerkii ugu hoosaysay.
Talooyin ku saabsaan sida loo daweyn karo qabyaalada Haddii la maro wadiiqooyinkan sida aan isleeyahay waa la dabar jari karaa qabyaalada. Waa kastoo baryaaya waayihiisu wateeye. Milayba jirey soomaalidu ay ahayd dad qiimo iyo qaayaba leh, dhexdoodana uu yaalay wanaag iyo galgacal. Waxa ay la soo dagaan alaab, alaabtaas oo aan tayo lahayn, keentana waxyeelo caafimaad iyo khataro kalaba, kama naxaan ummadooda umana tudhaan. Toolow dadka alaabta aan tayada lahayn loo keenayaa maanay ahayn dadkoodii?
Alaabta ay lasoo dagaan qaar ayaa ka mamnuuca wadama lagu sameeyo, kuwaas oo ay ku qoran tahay lagama isticmaali karo dalka gudihiisa, dibadiisa mooye, markaas ayay iyagunu soo iibsadaan si ay ugu sii iibiyaan bulashooda, tolow maanu damiir damqada lahayn? Tolow umada sidaa loo galayaan miyaaney ahayn umadiisii? Talaabada 3: Geli link ee music aad rabto in aad ka soo dejisan YouTube ama riix on YouTube oo taga si video aad rabto in aad kala soo bixi.
Talaabada 4: Bogga of music aad rabto in aad kala soo bixi, guji "download" button sare ee app ka sokow link video ah. TunesGo falanqeeyaan doono iyo muusikada iyo markaas badalo music ah si ay kuugu haboonaato.
Su'aalo Product la xiriira? Music Downloader 1. Qalabka Download. Download si iPhone. Download si toos ah ay u iPhone. Download on iPhone. Download on macruufka. Download macruufka Android. Download on Android. Download in computer. Download in Lugood. Download on Lugood.
Download ka Lugood. Download online. Sida loo soo dejisan. Habka ugu fiican inaad kala soo baxdo. Talooyin download si sharci ah. Download MP3. Music bixi Free. Songs free download. Free MP3 download 2. Music Downloader. MP3 downloader Android. YouTube downloader Android. Best music downloader. Downloader Mp3 free. Macruufka downloader Best. Downloader u Mac. Music video downloader 3. Music download barnaamijyadooda. Chine downloader Bixiyay.
Free download barnaamijyadooda. Best download app. MP3 download app. Download software. Download app for iPhone. Downloader online Free 4. Youtube music. Youtube downloader mp3. Youtube downloader online. Youtube songs downloader. By joining Download. Free YouTube Downloader. IObit Uninstaller. Internet Download Manager. Advanced SystemCare Free. VLC Media Player. MacX YouTube Downloader. Microsoft Office YTD Video Downloader. Adobe Photoshop CC. VirtualDJ Avast Free Security.
WhatsApp Messenger.
0コメント